4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Qof loo soo xiray weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Masjidka Daarul-Faaruuq

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Bishii August ee sanadkii hore ee 2017, ayeey aheyd markii weerar bambaano loo geystay Masjid ku yaalla gobolka Minnisota oo lagu magacaabo Daarul Faaruuq.

Bambada ayaa lagu tuuray xafiiska Imaamka Masjidka in yar ka hor salaaddi subax, iyada oo Imaamnku aanu markaas xafiiska joogin. Qaraxasi ayaa waxa uu bur-buriyay xafiiskii iyo qeybihii kale ee u dhawaa.

Habeenkii xalay ahaa ayaa hay’adda FBI-du shaacisay in la qabtay nin loo tirinayo inuu weerarkaas ka dambeeyey.

Culimada Masjidka ayaa siweyn u soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen FBI ee lagu soo qabtay qofka la tuhusan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]