Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay
mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen
guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof
Maxamed Cismaan Jawaari.
Saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo iska
soo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaa oo
qaarkood taageersan mooshinka, halka kuwa kalana ay ka soo horjeedaan, kuna
eedeynayaan xafiiska ra’iisal wasaaraha in laga soo abaabulay mooshinka laga
gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ma’aha markii ugu horeysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya
sidan oo kale mooshin ka keenaan guddoomiye Jawaari, hasse ahaatee abaabul
xoogan oo xalay dhacay ayaa keenay in subaxnimadii hore ee saakay ku
waabariistaan xildhibaannada arintan, waxaana lagu waramayaa in
xilldhibaannadan saxiixay ka badan yihiin 100 mudane.
Warar xog ogaal ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhinaca kale
xildhibaannada taageersan Prof Jawaari wadaan abaabulka mooshin ka dhan ah ra’iisal
wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, laakiin lama oga sida uu sharci ku
noqon karo mooshinkan danbe, madaama sharcigu dhigayo in aan mooshin yeela
golaha baarlamaanka aan laga dul keeni Karin mid kale.
Dad badan ayaa is weydiinaya waxaa soo dadajiyay go’aanka xildhibaannada ee
kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo dad badani u
fasirayaan in aysan ka marneyn arrimo siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin
dhinacyo kale oo ka baxsan baarlamaanka.
Saacadaha soo socda ayaa laga war –sugayaan go’aanka uu arintan ka qaato
guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari uu kulamo kala duwan la
yeeshay xildhibaannada isaga taageersan.
Mooshinka ayaa imanaya Afar cisho uun kaddib markii uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si rasmi ah u furay Kalfadhigga Saddexaad ee Gollaha Shacabka.
In xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u baahan saddex-meelood
laba, aqalka hoose ee baarlamaanka oo ka kooban 275 xubin.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]