4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Maxaabiis laga keenay dalka Libya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo maanta soo gaaray qeybtii saddexaad maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa illaa 14 dhalinyaro ah oo doortay in dalka dib ugu soo laabtaan iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxaa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]