Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya Francisco
Madeira ayaa maamul goboleedyada Soomaaliya ugu Baaqay in ay kordhiyaan
Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.
Madeira, hadalkaan sheegay mar uu
kulan la qaatay madaxweeynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo ay ka wada
hadleen Qorshaha xasilinta iyo Amni ku wareejinta ciidamada Soomaaliya.
“Waxaan ka wada hadalnay faahfahinadda kala guurka waxaana isla aragnay in
kala guurku uu adkeeyn u bahanyahay iyo muhiimadda ay leedahay in wadooyinka muhiimka
ah ay furan ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya” ayaa lagu yiri war uu soo
saaray Faransico Madera.
Madera ayaa sheegay in maamul goboleedyadda dalka looga baahanyahay in
ay kaalin Libaax ka qaatan dagaalka lagu jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in ay maamuladdua
ay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay goboladooda Al-shabaab uga xoreeyn
lahaayeen.
Maxamed Cabdi Waare iyo Madera ayaa isla soo hadal qaaday Qasarihii
Ciidamada AMSIOM ka soo gaaray weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen
ciidamada dalka Burundi ka socday oo ku sugnaa Shabeelaha dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]