4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Bakool

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Dudumaale oo 30-KM u jira degmada Xudur.

Dagaalkan oo ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa waxaa ay ku beegsadeen fariisin Al-shabaab ay isku uruursanayeen, halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen ilaa 10 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa, ayna dhaawaceen 11 kale.

Wuxuu kaloo uu sheegay guddoomiyaha in dagaalkan dhankooda looga dilay ilaa 5 Askari halka ay ka dhaawacmeen 3 kale, wuxuu kaloo Maxamed Macalin sheegay inta uu dagaalka socday in ay ciidamada la wareegeen degaano dhowr ah.

“Al-shabaab waxaa ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxaan diyaar u nahay in aan furno dhammaan wadooyinka, kana dulqaadno shacabka dhibaatada Shabaab, meelo badan ayaan isku horfadhinaa raggan, dhawaana weerarro ayaan ku qaadi doonaa haddii Alle idmo” ayuu yiri guddoomiyaha Xudur.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed faray in ay qaadaan dagaallo ka dhan ah Shabaab, si looga saaro guud ahaan degaanada maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]