4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Xildhibaanno Mooshin ka keenay guddoomiye Jawaari iyo qodobo lagu eedeeyay

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari u gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u Akhriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxaa ay ku sheegeen mid kalsoonida lagala noqonayo guddoomiye Jawaari.

Sida ku cad qoraalka mooshinka ay xildhibaanada u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka, guddoomiye Jawaari ayay xildhibaanadani ku eedeeyeen arrimo ay ka mid yihiin in uu hareer maray dastuurka dalka, taa oo ay sheegeen in ay waxyeeli karta qarannimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyeen xadgudub ka dhan ah xeer hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari wali kama uusan hadlin eedeymaha uu xambaarsan yahay mooshinkan oo la sheegay in xildhibaanadu ay u gudbiyeen ku xigeenka koobaad ee guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa tiroadooda lagu sheegay ilaa 100 Xildhibaan.

Akhriso Warqada Mooshinka ka dhanka ah Jawaari :

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]