Sabti, June, 09, 2018 (HOL) -Wasiirka Wasaarada maaliyada
xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa
ayaa ka hadlay wax-yaabihii u qabsoomay wasaarada maaliyada bishii la soo
dhaafay ee May.
Wasiirka ayaa ka warbixiyay kulamo uu magaalada
Nairobi kula yeeshay hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo
dowladdaha qaar ee dhanka dhaqaalaha ka taageero dowladda federaalka
Soomaaliya.
Wasiir Bayle ayaa sheegay in maanta ay mushaar
siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo uu sheegay
wasiirka in la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.
Waxa uu tilmaamay in askartaasi dhamaantood loo sameeyo Akoono bil walbo
lacagta loogu shubayo oo aysan dhici doonin in taliyaashooda loo soo marsiiyo.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada
Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u
dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.
Waxaa uu xusay Wasiirka in Safiirada ay kula
xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana
doonayo in ay dowladda la wadaagaan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan
mareyso soo saarista lacagaha Shilling Soomaaliga, wasaaraduna ay wado
dadaaladii ugu dambeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]