4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2018
Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku dhigeen Labo ruux oo sida ay saraakiishu sheegeen ka tirsanaa Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in raggan la qabtay sanadkii hore magaalada Muqdisho ay ku dhaawaceen nin dhalinyaro ahaa, iyagoo sida la sheegay meyd ahaan uga tagey, balse dib laga ogaaday in uu nool yahay.

Sidoo kale raggan gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in Ninka ay ku soo dhawaaceen Muqdisho mar kale ugu soo hajabeen khadka talleefoonka isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Raggan xilligii la qabanayay aan wax hub ah aanan wadan ayaa si nabadgelyo ah isugu dhiibay ciidanka, kadib markii lagu amray inaanay wax dhaqdhaqaaqi ah samayn karin.

Ciidamada Booliska oo raggan lagu wareejiyay ayaa waxa ay u kaxeeyeen xarumaha hay’adaha amnigu ku leeyihiin magaalada Baydhabo, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]