Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya
deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo
la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ku dileen Nin iyo Xaaskiisa.
Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u
xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Awdiile Cali Xusseen Cali oo sheegay in ay lamaanahan la dilay ka
tageen carruur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan garaneynin sababta loo beegsaday labadan qof oo uu
sheegay in ay ahaayeen ganacsato.
“Maqribkii iyaga oo afuray ayaa gurigooda loo
galay, caruur ayay isku dhaleen, raggii dilka geystay way baxsadeen, balse
ciidamo ayaa ku baxay waxaan rajeyneynaa in gacanta lagu soo dhigo gacan ku
dhiigalayaasha” ayuu yiri Gudoomiyaha Awdiinle.
Shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan dadkii
deriskii la ahaa qoyskan ayaa waxaa ay aad u hadal dhacdadan argagaxa leh,
iyaga oo tilmaamay in laftirkooda ay soo wajahday cabsi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]