Sabti, June, 09, 2018 (HOL) –Xooggag Al-shabaab
ayaa la sheegay in ay weerar ku dileel askari Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi la
sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa Afar kale oo askari oo Mareykan ah.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamadan
la bartilmaameedsaday wadeen howlgal ay ku gacan siinayaan ciidamada Soomaaliya
ee dagaalka kula jira kooxda al Shabaab.
Gaar ahaan weerarkan ayaa ka dhacay meel aan wax
badan ka fogeyn deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.
Dhimashada Askarigan iyo dhaawaca Afarta kale
waxaa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Al-shabaab
ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday
kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen.
Al-shabaab ayaa kordhiyay weeraradda ay qaadayaan
tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xidhdiidh ah
oo ka dhacay gobolo kala duwan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]