3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Dad laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka oo soo gaaray Muqdisho

 

Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa VOA u sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal.

Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay intii lagu gudajiray musaafurintooda.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Donald Trump waxa uu soo saaray sharci mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto Soomaaliya, isgaoona sheegay inuu tallaabadaais u qaaday sababo dhinaca amnig ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/29/2018 11:16 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

6/29/2018 9:01 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/29/2018 6:11 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

6/29/2018 3:05 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

6/29/2018 2:07 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

6/29/2018 1:59 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

6/29/2018 1:53 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.