3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Dowlad goboleedyo taageeray xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka

 

Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) -Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland ayaa waxaa lagu casuumay masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha isgaarsiinta dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dowlad goboleedyadan ayaa sidoo kale taageeray xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka ee ay dhowaan magacowday Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumada federaalka Somalia.

Wasiirka Isgaarsiinta dowad goboleedka Galmudug, Axmed Dubad Cali, Wasiir dowlaha isgaarsiinta Hirshabelle Ifraax Cismaan Saney iyo wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta maamulka Koonfur galbeed Somalia C/xakiin Faarax Shandile oo shirkaas Maamuladooda ku metelayey ayaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho maanta wax yar ka dib markii ay ka soo laabteen Garoowe, iyagoo warbaahinta u akhriyey war-saxaafadeed ay soo saareen oo sidan u qornaa.

WAR-SAXAAFADEED.

Taageerid XEERKA isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka.

Anagoo kala ah xubnaha wasiirada ee kala metelaya dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle isla markaana ka qeyb galay shir ku qabsoomay 25-27-ka Juun 2018 Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaan soo saarnay war-saxaafadeedkan nuxurkiisu yahay sidan:-

Markaan aragnay ajendaha meesha la soo dhigay, markaan aragnay in la doonayo in la fashiliyo guulaha laga gaaray meel marinta xeer isgaarsiinta oo heerar kala duwan soo maray, ugu dambeyntiina ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada markii uu madaxweynuhu saxiixay.

Markaan fahamnay in dano gaar ah oo ka hor imanaya qaranimada iyo danta guud ee dalka la doonayo in la meel mariyo, kuwaasoo si guracan loo soo abaabulay. Horeyna aanan uga heysan macluumaad nagu filan oo shirkaas khuseeya.

Waxaa si cad uga dhex muuqday xubno huwan sharafta dowladnimada laakiin door biday khal khal gelinta waxqabadka lagu talaabsaday, kaasoo ah in xeerka isgaarsiinta si hufan u meel maray isla markaana xubnaha guddiga ee heyadda si dheeli tiran loo soo xulay.

Markaan Tixgelinay qodobada sare ku xusan iwm, anagoo gudaneyna xilka iyo waajibaadka na saaran isla markaana meteleyna dowlad goboleedyada aan magacooda shirkaas Garoowe kaga qeyb galnay.

Waxaan halkaas ku cadeynaynaa:-

1-Inaan si buuxda u taageersanahay xeerka isgaarsiinta qaranka ee soo maray dhamaan heerarkii loogu talo galay ansaxna noqday. Diyaarna u nahay ku dhaqankiisa.

2-Sidoo kale waxaan si mug leh ugu qanacsannahay xubnaha Soomaaliyeed ee loo magacaabay guddiga isgaarsiinta Qaranka iney noqdaan anagoo ku kalsoon, aqoontooda, matalaada bulshada ee ay ka socdaan, kuna qanacsan in si hufan loo soo dhameystiray.

3-Waxaan Wasaarada Isgaarsiinta boostada iyo tiknolojiyada ee federaalka iyo hogaankeeda ku garab taaganahay Masuuliyadda ay guteen, waxaanan ku amaanaynaa dhabar adeygooda iyo kartidooda.

Ugu dambeyn waxaan diidan nahay isku daygii shirkii Garoowe ee bishan Juun qabsoomay kaasoo ahaa mid si toos ah uga hor imanaya dowladnimada guud ahaan, gaar ahaana caqabad weyn ku ah horumarka sectorka isgaarsiinta oo ah meesha kaliya ee Soomaalidu ku faanto.

Waxaan u rajaynaynaa Soomaali dhamaanteed guul iyo gobanimo, waxaanan kula dardaarmaynaa in loo gudbo danta guud taageerideeda iyo ilaalinta waxa Soomaaliya ka dhexeeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/29/2018 12:49 PM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

6/29/2018 11:16 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

6/29/2018 9:01 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/29/2018 6:11 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

6/29/2018 2:07 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

6/29/2018 1:59 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

6/29/2018 1:53 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.