3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay xarun Wargeys dalka Mareykanka

 

Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka, waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

Weriye meesha joogay ayaa sheegay in qof hubaysan uu dadka ka toogtay muraayada dhismaha, shir jaraa’id oo maamulku ay qabteen ayaa lagu sheegay in ay dhacday toogasho galabnimadii Talaadada.

“Dad badan ayaa shilkani ku dhintay’ wuxuu ahaa mid kedis ah, qof hubeysan ayaa dadka ka toogtay muraayadda dhismaha,” Waxaa sidaasi yiri sarkaal maamulka u hadlay.

Boolisku waxay sheegeen inaysan sheegi karin nooca hubka la isticmaalay.Waxayna intaasi raaciyeen in qofka laga shakisan yahay ay boolisku baaritaan ku hayaan.

Waxaana baaritaanada socda ka qaybqaadanaya hay’adaha amaanka oo FPI ay ka mid tahay.

Sarkaal lagu magacaabo Ryan Frashure ayaa sheegay inaanan la xaqiijin karin in toogashadu ay ka dhacday qolka wararka. Waxuuna intaasi raaciyay in boolisku ay weli dadka ka saarayaan dhismaha.

Wargeyskan la weeraray ayaa ah jariirad maalinle ah kana tirsan warbaahinta Capital Gazzete.

BBC













Click here
6/29/2018 12:49 PM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

6/29/2018 11:16 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliyaayaa sheegay in weerar ka dhacay Talaadada aynu soo dhaafny nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

6/29/2018 9:01 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in ay bilaabeyso sidii shidaal looga saari lahaa dhuka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/29/2018 6:11 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL) - Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

6/29/2018 3:05 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL)-Saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee hoos taga dowlada federaalka Somalia ayaa qaadacay qodobadii ka soo baxay shir looga hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka oo lagu soo gebagebeeyey shalay magaalada Garoowe.

6/29/2018 1:59 AM EST
Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa cod ku ansixiyay magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

6/29/2018 1:53 AM EST
Jimco, June, 29, 2018 (HOL)–Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.