4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2018
Puntland : Hay’adaha nabadsugidda iyo sirdoonka oo la mideeyay

 

Jimco,, June, 29, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland ayaa  cod ku ansixiyay  magaca iyo mideynta labada hay’ad ee sirdoonka iyo nabadsugidda , kuwaaso oo looga yeeri jirey PIA iyo  PSS. Waxa qasbey in labada hay’ad la mideeyo waxaa lugu sheegay baahida loo qabo hay'add amni oo si buuxda u shaqeysa, dhawaan ayayna ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu xilalkii ka qaadday agaasimayaasha labada hay’ad.

“Golaha xukuumada  Puntland oo tixraacaya dastuurka dalka iyo baahida loo qabo hay'add Amni oo si buuxda u shaqeysa ayaa dood dheer ka yeeshay magaca iyo mideynta hay'addaha ammaanka dalka, waxayna golahu cod buuxa ku meel mariyeen mideynta hay'addaha PIA iyo PSS,isla markaan loo bixiyey magac cusub oo ah hay'adda nabad-sugida iyo Amniga Puntland (Puntland intelligence and security agency (PISA).”ayaa lugu yiri war-saxaafadeed looga hadlay qodobbada shirka wasiirrada ka soo baxay.

Shirka wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga oo sheegtay ammaanka inuu yahay mid wanagsan, waxaana shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga. 

Gabagabadii, Golaha xukuumada  Puntland ayaa warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo u qeybisay golaha xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda, xeerkaan oo qeexaya baarista, tayada, hubinta iyo cadeynta guud ahaan kalluunka ayaa lagu meel marin doonaa kulanka xiga ee golaha xukuumadda. Wasiirrada waxaa kalo ay warbixin ka dhageysteen  guddiga dabagalka iyo ilaalinta gaadiidka dowladda oo meel fiican marinaya tixraaca iyo waafajinta sharciga ee gaadiidka dowladda (GD).

Iman Jama
Iman@hiiraan