4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta lagaga dooday amniga iyo xuduudaha bariga

 

Khamiis, June, 28. 2018 (HOL)- Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa maanta lagaga hadlay arrimaha amniga iyo xuduudaha.

Shirkan golaha wasiiradda waxa shirgudoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxana warbixin laga dhagaystay wasiirka Gaashaandhiga oo ka warbixiyey xuduudaha bariga, waxaana la sheegay in difaaca dhulka iyo sugidda xuduudaha ka go’an tahay.

“ Arrimihii shirkan lagaga hadlay waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga ee dalka Somaliland iyo duullaanka lala dul-joogo shacabka deegaannadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, waxana shirka lagu muujiyey sida ay Somaliland u danaynayso nabadda iyo deris-wanaagga.”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Waxaanu intaas ku daray “waxa uu shirku caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda iyo difaaca dhulkeeda, marnabana aanay weerar ku ahayn xuduudo dal kale, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso Muhiiimadda nabadda iyo degenaanshaha.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.