4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
ONLF shirweyne ku leh magaalada Asmar ee dalka Eritrea

 

Khamiis, June, 28, 2018 (HOL)– Jabhadda ONLF ayaa shirweyne uga furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo shirweynaha socda looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee ku soo kordhay Itoobiya iyo is bedeladii dhacay.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, islamarkaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay soo dhoweynayaan is bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay in ay weli dhowrayaan in is bedeladaas ay noqdaan kuwo aas-aasi ah.

“Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa, waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, wax-yaabaha waa weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is bedelada taabtaan ayaa rajeyneynaa, anaga diyaar baan u nahay dowladda Itoobiya in wada hadal la galno, horayna wada hadal baan kula jirnay”ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF.

Hirmooge ayaa sheegay in aysan jirin farriimo toos ah oo ay Itoobiya ka helaan, balse ay jiraan farriimo dadban iyo kuwa saxaafada la mariyay oo ku saabsanaa arrimaha nabadgelyada, balse wada hadalada ay soo dhoweynayana, isla markaana dhanka Itoobiya ay jirto wixii arrimahaas sahlaya.

Is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya ayaa keentay in weji cusub ay gasho xaalada Itoobiya, kaddib markii la sii daayay boqolaal maxaabiis u xirnaa arrmo siyaasadeed, isla markaana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la soo baxay siyaasad furfuran oo uu wax badan kaga bedelay hab dhaqankii Itoobiya lagu yaqiin labaatankii sano ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]