4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2018
ICG oo ka digtay dagaal mar kale ka dhaca deegaanka Tuka Raq

 

Khamiis, June, 28. 2018 (HOL) - Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group  ICG  ayaa war ay soo saartay  waxaa ay ku sheegtay in is-marin-waaga Puntland iyo Somaliland  uu marayo meel xun, kaddib markii labada maamul ay ciidamo hor leh soo dhoobeen gobolada Sool iyo Sanaag.

Hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa waxa ay sare u qaadeen lahjadoodii dagaal, ayna guul dareysteen isku dayo dhinaca waan waanta ah oo ay wadeen dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay.

Iska hor imaad dhexmara labada dhinac ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono taariikh xun oo dhinaca waqooyi ee Soomaaliya ku timaada, sidoo kalena deganaansho la’aan u keenta dalka intiisa kale, waxayna ka digtay in labada maamul ay markale isku soo hor fariistaan dagaal.

Waxaa kaloo ay sheegtay Hay’adda ICG in colaadan ay dan u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo kooxda yar hase ahaatee qatarta badan ee ISIS, si taasi looga hortago ayay dalbatay in la soo wada fariisto miiska wada hadalka.

Hoggaamiyeyaasha Afrika, kuwa reer Galbeedka, Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Dowladda Itoobiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha ayay Hay’addu ka dalbatay inay talaabooyin deg deg ah qaadaan, si colaada loo baajiyo.

Hay’adda ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara dagaal daba dheeraadaa oo dhaxmara labada dhinac, iyadoo sanadkan 2018 lagu tilmaamay sanadkii gacan ka hadalka ugu badan uu labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]