4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Grace Mugabe oo lagu eedeeyay Qaraxii Zimbabwe

 

Arbaco, June, 27, 2018 (HOL)–Kaddib Qaraxii uu ka badbaaday madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayuu ku eedeeyay in Qaraxaasi ay ka danbeysay sida uu hadalka u dhigay Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in uu Qaraxaasi ay ka dambaysay Xaaska Madaxweynihii hore Robert Mugabe, laakiin wali ay socdaan baaritaano.

Mnangagwa wuxuu BBC-da u sheegay in koox lagu magacaabo G40 oo ay taageerto xaaskii madaxweynihii hore ee Zimbabwe ay qaadeen qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bulawayo.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay 2 qof halka in kabadan 40 qof ay ku dhawaacmeen, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]