Arbaco, June, 27, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa
waxba kama jiraan ku sheegay in uu geeriyooday hogaamiyahoodii Axmed Diiriye
Abu-Cubeyda sida ay baahiyeen saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa
sheegay in wararka sheegaya in Axmed Diiriye uu geeriyooday ay yihiin been
abuur oo ay buunbuuniyeen sida uu sheegay warbaahinta maxaliga ah.
Warka ku saabsan in uu geeriyooday
hogaamiyihii Al-shabaab ayaa waxaa xaqiijiyay oo laga soo xigtay sarkaal ka
tirsan sirdoonka Soomaliya oo magaciisa qariyay, kaa oo sheegay in deegaan ka
tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday Abu Cubeyda.
Warka arinta ku saabsan ayaa ka
danbeeyay kaddib weerar todobaadyadii ugu danbeeyayba leysla dhaxmarayay oo ka
hadlayay in hogaamiyaha Al-shabaab uu la xanuusanayo cudurka Kansarka.
Hasse ahaatee Al-shabaab kama aysan
hadal xitaa warkan ku saabsan xannuunka la sheegay in uu la soo darsay
hogaamiyahooda.
Axmed Diiriye Abu Cubeyda ayaa noqday hoggaamiyaha Al Shabab kaddib
markii Mareykanka uu duqayn cirka ah ku dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay
ee Axmed Godane.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]