3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo dib u bilaabanaya

 

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland.

Ra’iisal wasaare ku-xigenka ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo  Somaliland.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Waxaa uu intaa ku daray in la dhageysanayo tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq, si horey loogu sii socdo.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/27/2018 1:17 PM EST
Arbaco, June, 27, 2018 (HOL)–Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

6/27/2018 10:55 AM EST
Arbaco, June, 27. 2018 (HOL)–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray cisbitaalka Casriga ah ee Haldoor oo uu sameeyey Dr Gaboose oo ku yaalla magaaladda Hargeysa.

6/27/2018 5:21 AM EST
Arbaco, June, 27, 2018 (HOL)–Kaddib Qaraxii uu ka badbaaday madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayuu ku eedeeyay in Qaraxaasi ay ka danbeysay sida uu hadalka u dhigay Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweynihii hore ee dalkaasi.

6/27/2018 5:11 AM EST
Arbaco, June, 27, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in uu geeriyooday hogaamiyahoodii Axmed Diiriye Abu-Cubeyda sida ay baahiyeen saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaaliya.

6/27/2018 2:02 AM EST
Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) – Sida Idaacada VOA uu u sheegay sarkaal ka gaabsaday magaciisa kana tirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Isniintii aynu soo dhaafnay deegaan ka tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday hogaamiyihii ururka Al-shabaab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda)

6/27/2018 1:38 AM EST
Arbaco, June, 27. 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya lagula eegtay meel wax-yar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

6/27/2018 1:23 AM EST
Arbaco, June, 27. 2018 (HOL)-Dalka Jabuutii xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanad guuradii 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska.