4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Cabdiweli Gaas “ Waxaan rajeenaynaa wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaado”


Talaado, June, 26, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed sanad guuradii 58 aad ee ka soo wareegatay maalintii ugu horreeysay ee calanka laga taagay dhul Soomaaliyeed.

Cabdiweli wuxuu sheegay inuu rajeynayo waqti aan fogeyn in Soomaaliya isku timaado, wuxuuna inta ku daray 26 June in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

"Waxaan maanta oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, gaar ahaan shacab weynaha gobollada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horreeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliyeed oo maanta ay kasoo wareegtay 58 sano, calankaas oo loosoo maray dhib badan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayohooda ka tashada.. Waxaan rajeenaynaa idin Alle wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaado, midnimadeedii iyo wadajirkeedi ay isku soo laabato.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.

58 sanno ayaa laga joogo maalintii gobollada Waqooyi ay gumeystihii Ingiriiska ka qaateen madax bannaanidooda, afar maalmood ka hor intii aysan ku biirin gobollada Koonfurta Soomaaliya ee uu Talyaanigu gumeysanayay, sannad walba ayaana dabaaldegyo lugu xusayo sannad guurada lugu qabto dalka. 

Iman Jama