4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay qancinta shacabka Somaliland


Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu qancinayo shacabka Somalialnd.

Madaxweynaha ayaa boggiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa xusay in dowladda uu hogaamiyo ay diyaar u tahay in la lafaguro oo miiska wadahadalka lasoo dhigo waxkasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland.


Hadalka madaxweynha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Somaliland uu munaasbaddii 26-ka Juun xalay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeeyso tallaabooyin cadaawad muujinaya, isagoo sheegay in xukuumaddu cunaqabateyn kusoo rogtay deeqihii ay beesha Caalamka ka heli Jirtay Somaliland.

Isagoo ka hadlaya arimahaasi ayuu yiri "Isma qabto midnimadu waa muqadas, Soomaaliya in ay kala go’do dooni meyno iyo dagaal ayeeynu kugu soo qaadeyna iyo weynu ku cunaqabateyneynaa,"

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.