Muuse Biixi: Waxaan leenahay dowladda Soomaaliya hadalladeeda iyo ficilkeeda isma laha''
Talaado, June, 26. 2018 (HOL) –Madaxweynaha maamulka
Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu
maamuusayay 26 Jun oo beegneyd markii ay gobollada Waqooyi ka xuroobeen
gumeystihii Ingariiska, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Muuse Biixi oo ka hadlayay codsigii dowladda
Soomaaaliya ee beesha caalamka looga dalbey in la joojiyo kaalamada iyo deeqaha
la siiyo Somaliland ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya dagaal iyo cunaqabateyn
ku hayaan sida uu hadalka u dhigay reer Somaliland.
‘’ Isma qabto midnimadu waa muqadas, Soomaaliya
in ay kala go’do dooni meyno iyo dagaal ayeeynu kugu soo qaadeyna iyo weynu ku
cunaqabateyneynaa, waad ogtihiin dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa
warqad qoray oo uu ku dalbanayo in la joojiyo kaalamada Somaliland, sidoo
kalana waxaa ku raacay oo soo dhaweeyay arinkaa maamul gobolleedyada ka jira
Soomaaliya, marka waxaan leeyahay hadalladiina iyo ficilkiina isma laha’’ayuu
yiri Muuse Biixi.
Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Tuka Raq ayuu
yiri’’ “27 sano oo silic, rafaad, dagaal iyo waxbarasho la’aan baynu soo
marnay, uma sii baahnin dagaalo kale, colaadaha Tukaraq ka dhacay ee Cabdi Wali
uu soo kiciyay isaga oo doonaya in loo kordhiyo laba sano, laba sano ayuu dadka
ku dhameynayaa, wax hadal lagu dhameyn karo garan maayo in qori la isugu soo
qaato, dadka wax garanaya waxaan leeyahay aayihiina ka fekera.”
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qoraal ka soo
baxay wasaaradda Qorsheynta uga dalbatay beesha caalamka in wax ka badal lagu
sameeyo hannaanka bixinta deeqaha la siiyo Somaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]