4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Wafdi ka socda Eritrea oo tageya Ethiopia

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL)- Itoobiya ayaa sheegtay in wafti ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay toddobaadkan magaalada Addis Ababa u iman doonaan wada-hadallo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya oo warkan ku dhawaaqday maanta ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday in uu wafti u dirayo Itoobiya.

Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Itoobiya Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Itoobiya ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.

VOA