4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Bandhiga Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya oo lugu qabtay Garoowe


Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ayaa lugu qabtay bandhiga xeerka isgaarsiinta Soomaaliya , waxaana ka qeybgalay madaxweynaha Puntland iyo wasiirrada isgaarsiinta dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka. 

Saddex maalin oo bandhiga uu socda ayaa lugu wadaa in lugu lafaguro sidii loo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya iyo sidii looga gudbi laha caqabadaha hortaagan ee jira isgaardhsiinta.

“Waa in la fahmaa in isgaarsiintu ay tahay wax taabanaya qofka xoriyadiisa iyo dareenkiisa, maxaa ka dhigaya lagama maarmaan? Waa isbadalka qofka noloshiisa ku dhacaya, wixii shalay ahaa raaxo iyo madadaalo, maanta waxay isku badashay baahi joogto ah maanta daqiiqad moobilkaaga kama maqnaan kartid nolosha qofka ayaa ku xiran maanta, shirkadaha madaxa banaan ee howshaas qabtay amaan bay mudan yihiin doorka ay qabteen.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo bandhiga ka qeybgalay.

Dadka kale ee ka qeybgalay bandhigan oo ay martigalisay wasaaradda warfaafinta Puntland, waxaa ka mid ah garyaqaanka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ku- xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Iman Jama