Isniin, June, 25. 2018 (HOL) -Baarlamaanka Puntland oo Isniinta
maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa meelmariyay
ajandaha muddada uu socdo kalfadhiga 41 aad.
Fadhiga saddexaad kalfadhiga 41- aad
waxa ka soo qeyb galay 42 xildhibaan , waxaana shir guddoomiyay
guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi. Doodii wax ku
kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaannada kaddib waxaa cod loo qaaday
ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay, guddoomiyaha Baarlamaanka
Axmed Cali ayaa si rasmi ah u sheegay xildhibaannada inay
ansixiyeen oo ay isku raaceen ajandaha kalfadhiga 41 aad.
Ajandaha kalfadhiga 41aad ee xubnaha
wakiilada loo qeybiyay waxa uu ka koobnaa illaa 12 qodob oo kala ahaa sidan
hoos ku xusan:
1- Furitaanka Kalfadhiga 41-aad
2-Ansixinta Ajandaha rasmiga ah ee
Kalfadhiga 41-aad
3- Warbixinta Guddiga Joogtada ah
4-Warbixinta Guddiyada Golaha
Wakiilada Puntland
5- Amniga, Difaaca Puntland iyo xog
wareysiga Madaxweynaha Puntland
6-Xaalada qulqulka Tahriibayaasha
(Dhaqangelinta xeerka Tahriibta)
7- Habka shaqaaleynta shaqaalaha
rayidka ah
8-Habraaca loo maro iibinta hantida
ma guurtida ah.
9- Mashruuca wadada Garoowe iyo
Gaalkacayo
10-Ansixinta Xeerarkii Guddiga
joogtada ah si ku meel gaar ah u sii ansixiyey.
11- Xisaab Xirka Miisaaniyadda
2017-ka
12-Anxisinta wixii Xeerar iyo
Heshiisyo ah ee xukuumadu soo gudbiso.
Iman Jama