4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 

Arbaco, June,20, 2018 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya gaari goor dhaw ku qarxay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo sida wararku sheegayaan la socdeen labo dhalinyaro ah.

Qaraxa ayaa gaar ahaan ka dhacay nawaaxiga Xaaji Baast una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga ay la socdeen labo dhalinyaro ah wiil iyo gabar, iyadoo uu dhaawac soo gaaray wiilka oo gaariga waday, waxaana la sheegay in dhaawaca la dhigay isbitaalka Daaru-Shifa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaasoo wadada xiray, baaritaana wada.

Marar badan oo hore ayaa gadiidkan lagu soo xiro walxaha qarxa waxaa lagu khaarajiyay shasiyaad kala duwan oo isugu jiray saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]