Dibadbaxyo looga soo horjeedo Eritrea oo ka soconaya qeybo ka mid ah dalka Itoobiya
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Dibedbaxayaasha
ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waqooyiga Itoobiya si ay u muujiyaan in
ay ka soo horejeedaan warbixintii ay dowaladda toddobaadkii hore ku dhawaaqday
oo ahayd in dowladdu ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku
yaallo xuddudda Eritrea.
Wararka ayaa sheegaya in dibadbayasha ay ku
dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah go’aanka dowladda.
Waxa ay sheegeen haddi go’ankaasi laga dhabaayo
in uu noqon doono mid xushmad laan ka dhigayo kumanaankii qof ee ku dhintay
dagaalkii Eritrea ee ku salaysnaa soohdinta ee dhacay 1998 ilaa 2000.
Xisbiyada siyaasadda ee waqooyiga Itoobiya ayaa
sidoo kale ka soo horjeestay qorshahaan cusub, Si kastaba ha ahaatee
mudaaharaadyadan ayay u badantahay in ay wax yeeleeyso go’aankaasi.
Ra’isal wasaaraha cusub Abiy Ahmed ayaanan cayimin
taariikhda la meel marinayo go,aankan balse waxa uu sheegay in ciidamada
soohdinta ku sugan laga soo daabulayo si loo soo celiyo xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, balse Eritrea weli kama aysan jawaabin go’aanka
Itoobiya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]