3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Mareykanka oo shaaciyay magaca iyo sawirka Askari Mareykanka ah oo dhawaan lagu dilay Soomaaliya

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) –Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Sawirka iyo Magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegayy Alexander W. Conrad oo 26 jir ah,waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka u tababaran.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn oo Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Mareykanka, halka lagu dhaawacay afar kale, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka iyo taageerida Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guud ahaa marka la eego waa Askarigii Labaad oo Mareykanka lagu dilo Soomaaliya, iyadoo bishii May ee sanadkii hore deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay askari Mareykan ah, sanadkii 1993 ayay aheyd markii 18 askari Mareykan ah lagu dilay Muqdisho, lagana soo riday diyaarad Helicopter ah, kaddib dagaal ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/10/2018 1:16 PM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xarig-jaray waddada wasaaradaha ee magaalada Garoowe, oo lugu dhisay isku-tashi, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyay Puntland, sida lugu xaqiijiyay war-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland.

6/10/2018 12:23 PM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin bollaal Soomaali ah ayaa lugu qabtay bandhiga caalamiga ah TEDx ,waxaana marti ku ahaa oo guulaha ay nolasha ka gaareen ku soo bandhigay dad horey usoo marey nolasha qaxootinimo.

6/10/2018 10:20 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) –Waxaa dib loo furay qeybo badan oo xirnaa jidadka magaalada Muqdisho kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay dadka iyo gadiidka intaba loo diiday in ay isticmaalaan.

6/10/2018 9:14 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayay maanta u suurogashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Baar-zanguuni oo ay xalay la wareegeen Al-shabaab kadib duulaan ay halkaasi kusoo qaadeen.

6/10/2018 5:51 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

6/10/2018 5:46 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)-Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa gaaray dalka Singapore, halkaasoo uu ka dhici doono kulanka taariikhiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

6/10/2018 4:43 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Dagaalladan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Baar-Zanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

6/10/2018 2:42 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kormeeray ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in mid amniga la xiriira.

6/10/2018 2:20 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirka ka soo tagay.

6/10/2018 2:13 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose oo maalintii shalay weerar Ismiidamin ah ka geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.