4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo dib loo furay

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) –Waxaa dib loo furay qeybo badan oo xirnaa jidadka magaalada Muqdisho kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay dadka iyo gadiidka intaba loo diiday in ay isticmaalaan.

Jidadka dib loo furay ayaa maalmihii ugu danbeeyayba u xirnaa ciidamada amaanka Soomaaliya, arintaa oo siweyn ay uga soo horjeesteen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo isku diyaarinaya munaasabada dabaal-daga Ciidul-Fidiriga.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amay shalay galab in la furo wadooyinka xiran si deg deg ah, waxaana xalay dhaqan galay amarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho oo sheegay in loo baahnaa go’aanka uu madaxweyuhu ka qaatay xirnaashaha jidadka caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]