Axad, June, 10, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho Ahna
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow)
ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa
goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.
Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha
goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan
burburinta.
Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka
qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si
sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud.
Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon
loo marin nidaamka sharciga ah.”
Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin
dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha
dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan
diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah
laga sameeyo.
Eng. Yariisoow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu
doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo
goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si
bushada uga wada faa’iideysato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]