Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose
Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Warar kala duwan
ayaa ka soo baxaya deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose oo maalintii
shalay weerar Ismiidamin ah ka geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale Jimihii ina dhaafay weerar Al-shabaab
ay ka geysteen deegaanka ayaa lagu dilay Askari Mareykanka ah, iyadoo Afar
kalana lagu dhaawacay weerarka.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in
ciidamadii halkaa ku sugnaa dib uga soo gurteen saldhigyadii ay degenaayeen
kaddib markii ay kordheen weerarrada ay halkaa ka geysanayaan Al-shabaab.
Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480
askari ayaa iyaguna xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar
dhanka dhulka ah, saqdii dhexe ee xalayna waxay ku hoydeen meel u dhow deegaanka
Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.
Hasse ahaatee warar kale ayaa sheegaya in
ciidamada ka baxay Baar-Sanguuni ay ku sii siqayaan saldhigyo fariisimo kale oo
ay Al-shabaab ku leeyihin deegaanka Jubbada Hoose sida lagu daabacay wakaalada
Wararka Qaranka Soomaaliyeed.
Deegaanka Baar-Sanguuni ayaa maalmihii la soo
dhaafay waaxaa ka dhacayay dagaalo iyo Shalay Gelinkii dambe oo ka dhacaay Qarax
Ismiidaamin ah oo lagu weeraray saldhigga ciidamada kumaandooska Soomaaliya
inkastoo aysan jirin khasaare ka dhashay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]