Talaado, July, 03, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka
Mareykanka D Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu hadda qorsheyneyn in
talaabo ka qaado Ururka Ganacsiga Adduunka, hase yeeshee, uu u digayo, isaga oo
yiri “Haddii aad si wanaagsan noola dhaqmi waydaan, isla waxaad nagu sameyseen
ayaan sameynaynaa.”
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Aqalka Cad,
xili ay wada joogeen RW Holland Mark Rutte oo maraykanka booqanaya, ayaa
madaxweyne Trump uu ku celiyey cabashadiisii la xiriirtay ururka Ganacsiga
Adduunka ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo uu
sheegay in ururkaasi uu Maraykanka si xun ula dhaqmo, dalkiisana uu khasaare
badan galiyey.
Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan maamulka
Maraykanka ayaa diiday warar sheegaya in Aqalka Cad uu qabyo qorayo hindise
sharciyeed madaxweyne Trump u ogolaanaya inuu isagu xaddido heerka tacriifta,
isaga oo aan maraynin xeerarka ururka Ganacsiga Adduunka u yaalla.
Xigasho VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]