4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
AMISOM oo raali-galin siisay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya

 

Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Francisco Madeira oo la kulmay guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi, waxaa uu ka raaligaliyay tabashu uu qabay guddoomiyaha oo aheyd in ciidamada AMISOM ku carqaladeeyeen garoonka Adan Cadde xili uu ku sii jeeday dalka dibediisa.

Kulanka waxaa joogay Labada ku-xigeen Aqalka sare waxaana si gaar ah looga hadlay dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Jun ay ugu diideen inu u Garoonka ka dhoofo Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kaddib la fasaxay.

Amb Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aanay arrintan soo laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada hay’adood.

“Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo nidaamka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynayaa in si dhow an labadeena dhinac u wada Shaqeyno” ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulalahi ayaa ugu danbeyntii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo raali gelinta AMISOM, wuxuuna aad u amaanay kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]