4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2018
Shirkada dahabshiil oo Koob lagu xusayay maalmaha qiimaha leh ee 26 June/ 1 July ku qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Talaado, July 3, 2018 (HOL) - Munaasabadda 26 June/1 July ayeey sharikadda Dahabshiil Norway , oo sanad walba u taagan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalkan Norway ayaa dhigtay koob lagu xusayo munaasabadaas..

Laga soo bilaabo sanadkii 2003 ayay shirkadani isku taxalujisay in maalmahan oo kale ay dhalinyaradu isku arkaan , bartaana maalmahan qiimaha  u leh taariikhda dadka Soomaalida

Waxaa koobkan 26 June/1 July ka soo  xaadiray garoonka Tøyen ee ku yaala magaalada Oslo 12 kooxood oo ka kala socday  xaafadaha magaaladan iyo nawaaxigeedaba.

Ciyaarahan oo bilaabmay saacadu markay ahayd 12:00 duhurnimo, socdayna ilaa sagaalkii fiidnimo maalintu Axadii oo ay bishu ahayd 1dii July.

 waxay ku bilaabmeen si anshax iyo asluubi ku jiro, taasoo madaxda Dahabshiil ku guubaabiyeen dhalinyaradaa in ay  isku dulqaataan oo nabadgalyada iyo wanaaga iyo sharafta  maalmahani leedahay  ay dhowraan , qadariyaana.

Gudoomiyaha Dahabshiil Mudane Ahmed Cawad ayaa dhalinyarada u sheegay in hadafka ugu wayn ee ay shirkadani ka leedahay in ay sanad walba soo qabanqaabiso ciyaarahan ay tahay in ay dhalinyaradu ka fogaadaan mukhaadaraadka maandooriyaha ah , iyo in ay is dhexgalka dhalinyaradu badato.

Ciyaartii ugu horaysay ayaa waxaa fooda is daray koox ku ciyaaraysa magaca SYL iyo koox ku ciyaaraysay magaca  Young talent ee Magaalada Darammen.

Kooxdii ka socotay magaalada Darammen oo iyagu aad u da`yaraa ayaa waxaa looga badiyay 5 iyo 1. Halkaasina ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca SYL..

Akhristoow ugu danbayntii waxaa kama dambaystii isugu soo baxay koox ku ciyaaraysay magaca Hilaac iyo koox ku ciyaaraysay magaca Skau.

Ciyaartan oo si aad ah loo wada sugayay ayaa waxay ku bilaabmatay weerar iyo weerar celis labada dhinacba. Waxaynan u ekeeyd in ay labada kooxoodba ay si wanaagsan u soo wada tashadeen , gaar ahaan xaga difaaca iyo weerarkaba.

Kooxda Hilaac oo u muuqday in ay xaga difaaca iyo dhamaystirkaba ay ka dhisnaayeen ayaa gool aad u quruxbadan, si fiicana looga soo shaqeeyay ku dhalisay halkaa.

Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatay 1 iyo  0.

Qaybtii danbe ciyaarta ayaa kooxdii Skau ay kubada dhexda ka soo dhiseen 3, 4 baas ka dib ay halkaa Gool ku dhaliyeen.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay  1 iyo 1.

Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaa loo kala dhigay  regoorayaal labada dhinacba.

Akhriste kooxdii ku ciyaaraysay magaca hilaac ayaa 5toodii regooraba dhaliyay, halka kooxdii ku ciyaaraysay magaca Skau uu  4 dhaliyeen, ayna khasaariyeena hal regoore.

Halkaana waxay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Hilaac.

Waxaa halkaa lagu gudoonsiiyay koobkii guusha , iyo biladii ciyaar wanaaga.

Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ayaa halkaa ku gudoonsiiyay  Koobkii iyo casho sharaf uu la qaatay kooxda Hilaac oo sanadkan koobkii 26 June/ 1 July ku hantiyay koobkii Dahabshiil.

Qore Mahad Abdule.
[email protected].