4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2018
ONLF ‘’ Madaxweynaha Soomaaliya raali galin ayuu ka bixiyay dhiibistii Qalbi-dhagax

 

Axad, July, 29, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in kulan dowladda Soomaaliya raali galin ka bixisay dhiibistii sarkaalkii ka tirsanaa Ururka Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax.

Wuxuu sheegay in kulan xalay la qaatee madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Asmara uu raali galin ka bixiyay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ugu gacan galisay Itoobiya Qalbi-Dhagax.

‘’Madaxweynaha Soomaaliya raaligalin ayuu na siiyay, waxaana uu sheegay in sidii uu doonayay si aan aheyn loola dhaqmay Qalbi-dhagax ‘’ ayuu yiri guddoomiyaha Ururka ONLF

Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayuu sheegay Admiral Maxamed Cumar ayaa mar uu ka jawaabay su’aal aheyd bal in ay isla soo qaadeen go’aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur Argagixiso’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur xaq u dirir ah, taas ayuuna inoo sheegay mar kale’’

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhiciisa xaqiijiyay in uu dhacay kulanka madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshay mas’uuliyiinta ONLF

Qalbi-Dhagax ayaa horaantii bishan laga sii daayay xabsiga waxaana uu arintaa uga mahad celiyay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka itoobiya Abiy Ahmed oo inta badan sii daayay maxaabiistii ku jirtay gacanta Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]