Arbaco, July, 25, 2018 (HOL)–Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Hindaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan
ayaa markii ugu horeysay sheegay in aysan jirin Jaamacad ay aqoosan tahay
Wasaaraadiisa, xitaa marka lagu duro Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed oo hoos-tagta dowladda Soomaaliya .
Wasiirka ayaa sheegay in guud
ahaan marka la eego Jaamacada ka dhisan dalka midkood-na aysan laheyn
astaamihii ay sharuudihii looga baahnaa in ay Jaamacad yeellato, taasoo keentay
ayuu yiri in ilaa iyo hadda aysan jirin Jaamacad ay aqoonsan tahay xukuumadda.
‘’Annaga ma jirto Jaamacad aan
aqoonsannahay, Jaamacad ahaan aan u aqoonsannahay oo aan dhihi karno
Jaamacada-ni waan aqoonsannay oo qaabka
ay u sameysan tahay iyo tacliinta ay bixineyso aan ku qanacsannahay, xitaa
Jaamacada Ummadda waayo Jaamacadaha dalka ka dhisan ayeey ka mid tahay’’ ayuu
yiri Wasiirka.
Laakiin Wasiirka Wasaaradda
Waxbarashada ayaa sheegay in ay jiraan jaamacado soo buuxin karin marka la eego
heerka waxbarasho ee Jaamacadeed, isaga
oo yiri’’ Waan og-nahay in ay jiraan Jaamacado soo buuxin doona heerkii
caalamiga ahaan Jaamacadeed, laakiin wali iskuma aanan iman oo kama aynaan wada
hadal arintaa, marka aad Koontaroolno kaddib Jaamacadahaas oo ay soo buuxiyaan
sharuudaha aan isla garanno ayaan dhihi karnaa waa Jaamacad rasmi ah’’ ayuu
yiri hadalkiisa sii raaciyay.
Mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd mar haddii
aysan Jaamacad ahaan u aqoosanneyn sababta ay ruqsada u siiyeen ayuu yiri’’ Waxna waa diiwaan-galin, waxna waa aqoonsi, marka annaga sabab aan u
diidi karno in ay ka shaqeeyaan dalka ma jirto, sidaa ayaan u diiwaan-galinnay’’
ayuu yiri Wasiirka.
Lama oga jawaabta ay ka bixin
doonaan mas’uuliyiinta Jaamacadaha dalka hadalka ka soo yeeray Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Hindaha iyo Tacliinta Sare.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]