Talaado, July, 24, 2018 (HOL) – Kulan
looga doodayay dardar-galinta iyo ansixinta sharciga Naafada Qaranka oo lagu
qabtay xarunta Aqalka sare ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday Ururrada
Naafada iyo guddoonka Aqalka sare.
Cabdullaahi Macalin Axmed oo ku hadlay afka
Naafada Qaranka ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Naafada Qaranka ay soo
mareen, waxaana uu Aqalka sare uu ka codsaday in ay arkaan Qoraalka hindise
sharciyeedka hay’adda daryeelka naafada.
“Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan,
goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada
waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay'adda daryeelka
naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku
imaanayaa”ayuu yiri Cabdullaahi Macalin Axmed.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka
sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda
naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.
“Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci
ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku
duuban”
Dhawaan ayeey Golaha Wasiirada xukuumadda
Soomaaliya ansixyeen xeerka dhismaha Hay,adda daryeelka naafada waxaana loo
gudbiyay Golaha Shacabka BFS iyadoo ugu danbayna loo gudbin doono golaha aqalka
sare Baarlamaanka Soomaaliya marka ay meel mariyaan loo gudbin doono madaxweynaha
dalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]