4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2018
Dowladda Turkiga oo qaaday xaaladii deg dega aheyd ee saarneyd dalka

 

Khamiis,  July, 19, 2018 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee uu waddanku ku jiray, oo labo sano ka hor dalka la saaray kaddib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay. 

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

Laakiin dowladda ayaa go’aansatay hadda in gabi ahaanba la qaado xaaladda degdegga aheyd ee dalka saarneyd.

Go'aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad uun ka soo wareegtay guushii doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada wax-yaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan in ay xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]