4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Adeegyada muhiimka ah ee bulshada oo laga mamnuucay guryaha aan sharciyeeysnayn ee Kismaayo
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxday gudiga dhulka Jubbaland ayaa guud ahaan guryaha aan sharciyeysnayn ee magaalada Kismaayo looga mamnuucay helitaanka adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Warqad kasoo baxday gudiga ayaa lagu amray shirkadaha bixiya adeegyadaasi in ayan siin guryaha aan lahayn sharciga adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

Guryaha adeegyadaasi loo ogolyahay ayaa ah guryaha ay sharciyeeysay dowladdii AUN Max'ed Siyaad Barre, wixii ka danbeeyayna ma uusan jirin nidaam shuruuc u dajiyay guryaha.

Gudiga ayaa sheegay in ay fureen xafiis qaabilsan sharciyeynta guryaha, ayadoo mulkiilayaasha guryaha aaan sharciyeeysnayn lagu amray in ugu danbeyn 10-ka bisha Aug, ee sanadkan ay sharciyeystaan guryahooda.

Magaalada Kismaayo oo xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee dalka ka koobnayd ilaa afar xaafadood ayaa haatan waxaa ay mareeysaa ilaa shan xaafadood oo aad u fiday, ayadoo sidoo kale dhawaan xaafad cusub oo lagu magacaabo "New Kismaayo", laga hirgeliyay duleedka galbeed ee  magaalada taa oo ay ku noolyihiin qoysaskii kasoo laabtay xerooyinka Dhadhaab iyo Barakacayaal.






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo-Soomaaliya.