4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Haween Qurba-joog Soomaali ah oo kumannaan kiilomitir u soo jaray sidii ay u caawin lahaayeen haweenka Soomaaliyeed

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-   Gabdho Soomaali ah oo si iskood ah isku xilqaamay oo ka socda magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa gargaar caafimaad ka wada qeyba ka mid ah Soomaaliya.

Gabdhahan oo leh xirfado isugu jira caafimaad iyo arrimaha bulshada ayaa waxay qalliino indhaha ah iyo kuwa haweenka si gaar ah ula xiriira ka fuliyey magaalada Kismaayo iyagoo caawin ka helaya dhaqaatiir ka yimaaday dalka Itoobiya, kuwa ku hawl gala gudaha Soomaaliya iyo qaar kale oo ka yimaaday dalka Australia.

Ashwaaq Abuukar Xasan oo ka kamid ah gabdhaha mutadhawiciinta, oo aanu wareeysanay ayaa inoo sheegtay in ilaa iyo haatan ay fuliyeen 20 qalliin oo dumarka ah iyo 215-indha fiiqid ah.

Ashwaaq ayaa sido kale sheegtay in tiradaasi tira la mid ah ay ka fulin doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Kharashka ku baxaya adeegaan ayaa waxaa iska soo uruuriyay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Waxaa sidoo kale gacan ka gaystay shacabka soomaaliyeed ee degen Yurub.

''Sanadkasto waan imaan doonnaa Soomaaliya si aan u caawino dadkeena'' ayay tiri Ishwaaq.

Isha Warka: BBC