4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulamo la qaatay safiirrada Ingiriiska iyo Sacuudiga

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa kulamo gaar gaar ah maanta la qaatay safiirrada Ingiriiska iyo Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulanka hore la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa kalo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale, kulanka uu guddoomiyaha la qaatay safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A. Khayaat, waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta.

Ingiriiska iyo Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka taageerro arrimo kala duwan oo amniga iyo horumarinta ay ugu horreeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]