4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
Mareykanka iyo Ingiriiska oo eedeeymo kulul ujeediyay Ruushka iyo Syria

 

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiska ayaa ku eedeeyey Dowladda Siiriya iyo Xulufadeeda ee Ruushka in ay been abuurteen wararka sheegaya in kooxaha falaagada dalkaasi Siiriya ay sunta Kiimikada ah ay u adeegsadeen dad shacab ah,taasi oo ay wax kama jiraan ku tilmaameen.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sheegashada Ruushka  iyo Dowladda Siiriya ee ku aaddan in Mucaaradku ay Sun Kiimiko ah u adeegsadeen qeybo kamid ah magaalada Idlib ay tahay mid ay ku doonayaan in ay ku majaxaabiyaan dadaalada xabad joojinta ee halkaasi ka socota.

Ilaa 100 qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay suntaasi oo falaagadu ay u isticmaaleen magaalada Xalab oo ay dowladdu gacanta ku hayso,waxaana warbaahintu ay soo bandhigeen dad dhaawacyo qaba oo lagu daweynayo goobaha caafimaadka,arrintaasi oo Mareykanka iyo Ingiriiskuba ay mowqif ka wada istaageen.

Dowladda Ruushka  oo ka jawaabaysa eedeymahaasi ayaa weerar xagga cirka ah la beegsatay meelaha ay ku sugan yihiin falaagadda dowladda ka soo horjeeda,iyadoo Mucaaradku ay iska fogeeyeen eedeymahaasi,ayna sheegeen in lagu baneysanayo weeraro iyaga lagu qaado.

Robert Palladino, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin weerarada ka dhacay gudaha dalka Siiriya, islamarkaana  ay soo jeedinayaan in la xushmeeyo baarayaasha caalamiga ah ee madaxa bannaan.

Baarayaal dhanka xuquuqda aadanaha oo fadhigoodi yahay dalka Ingiriiska ayaa ku sugan Siiriya, waxa ayna xaqiijiyeen in ay arkeen ilaa 100 qof oo isbitaalada lagula tacaalayo kuwaasi oo neefqabatimoobay sababo la xiriira duqeymo ka dhacay Xalab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]