4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2018
ONLF oo halgankeedii hubeysnaa u badashay hab nabadeed

 

Sabti, December, 08, 2018 (HOL)-Jabhada ONLF oo muddo ka badan 30 sano dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa hadda sheegtay in halgankeedii u badali doonto qaab nabadeed.

Xog-hayaha Ururka Cabdiraxmaan Shiikh Mahdi  ayaa sheegay in wali ONLF ka tanaasulin halgankii ay ugu jirtay xoreynta deegaannada Soomali Galbeed, laakiin sida uu sheegay halkankaa hadda ay u badaleen mid nabadeed oo aan aheyn qoriga carradii.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in markii horeba ay iyagu nabad doonayeen laakiin dowladda Itoobiya dagaalka ku bilaawday, isaga oo intaa sii raaciyay in ay sii wadi doonaan dadaalada ay gobanimo-doonka.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu dib ugu laabtay magaalada Jigjiga guddoomiyaha Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo inta badan saraakiishii ONLF ee markii hore fadhiggoodu ahaa dalka Eritrea.

Hadalka Hoghaya Jabhada ONLF ayaa ku soo beegan xili uu jiro isku soo dhawaasho u dhaxeeya Ururka iyo dowladda Itoobiya oo dhawaan kala saxiixday heshiis nabadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]