Musharrax Asad Cismaan: Haddii aan xilka qabto waxaan ballan-qaadaya inaysan dhici doonin Puntland kala maqan
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada dhaqanka ee Qardho.
Boqollaal dadweyne ah ayaa musharraxa iyo waftigiisa kaga hortegay bannaanka hore ee magaalada, waxaana shacabku safaf dhaadheer u galeen siddii Musharraxa xafiiska Madaxweynaha Puntland ,Asad Cismaan Cabdullaahi loogu soo dhaweyn lahaa Qardho. Dadka soo dhaweeyay waxaa ay isugu jireen Nabadoonno,dhallinyaro ,haween,Aqoon-yahanno,Arday iyo Cuqaal.
Musharrax Asad Cismaan,ayaa khudbad ka jeediyey barxadda guriga beenyada ee bartamaha Qardho ,ugu horrayn waxa uu u mahadceliyay qaybaha bulshada ee magaalada Qardho oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa.
"Qardho maanta waa hadashay, horrey-na idinka hadlay oo waxaad tiraahdeen isa soo sharrax... shacab weynaha reer Punland baa i dalbaday, maanta waad muujiseen". ayuu yiri Asad Cismaan.
Waxa uu ballanqaaday haddii uu xilka ku guulaysto inaysan dhici doonin Puntland kala maqan oo uu xorrayn doono deegaannada gacanta Puntland ka maqan, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalada Laascaanood lagu xirxiro shacab dareenkooda muujiyay oo taageerray musharaxnimadiisa.
"Waxaan u sheegayaa qoladda xirxiratay in dadkaas xorriyadooda u soo celiyaan, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda -gobolkaasi waa Sool, magaalada Laascaanood wixii ka dhacay waad ogtihiin". ayuu yiri Musharrax Asad Cismaan.
Nabadoonno ,waxgarad ,dhallinyaro iyo haween ka hadlay soo dhaweynta musharraxa ayaa sheegay inay taageersanyihiin musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi.
Musharrax Asad Cismaan oo socdaalkiisa 'Difaac iyo dowladnimo' ku soo maray Degmooyinka Badhan, Ufayn, Carmo, Waaciye, Dhahar iyo deegaanno kale waxaa uu inta uu Qardho ku sugan yahay kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada, isagoo kala hadli doonaa barmaajimkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku hoggaamiyo Puntland.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]