4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Kulan lagu falanqeeyay ka hortagga dambiyada dilalka hubeysan ee magaalada Ottawa, Kanada.

Duqa magaalada Ottawa Jim Watson
Xildhibaan David McGuinty, mudane laga soo doortay koonfurta Ottawa
Diane Deans Xubin gollaha deegaanka ee xaafadda Gloucester-Suthgate ee magaalada Ottawa
Taliyaha booliska ee magaalada Ottawa Charles Bordeleau

Jimco,  December, 07, 2018 (HOL) - Kulan si ballaaran looga soo qayb-galay oo ay soo qabanqaabisay Diane Deans oo ah haweeneey laga soo doorto xaafadda Gloucester-Southgate ee koonfurta magaalada Ottawa ayaa si weyn looga hadlay ka hortagga dilalka hubeysan oo sannadihii u dambeeyey aad ugu soo badanayey magaalada Ottawa gaar ahaan xaafadda Gloucester-Southgate oo ah xaafad ay ku nool yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool magaalada Ottawa.

Ujeedada kulankaan ayaa ahaa in dhaqaale badan loo raadiyo ciidanka booliska ee magaalada Ottawa si ay u qortaan dhallinyaro cusub oo ku soo biiira ciidanka booliska.

Madaxdii kulanka ka soo qayb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa-magaalada Ottawa Jim Watson, taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Ottawa Charles Bordeleau iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Canada oo laga soo doorto koonfurta magalada Ottawa Mudane David McGuinty. Waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen in loo baahanyahay dhaqaale dheeraad ah lagu sugu ammaanka magaalada Ottawa.

Taliyaha booliska magaalada Ottawa ayaa ka codsaday dadweynihii ka soo qayb-galay kulanka in ay la shaqeeyaan oo ay soo sheegaan dadka ka dambeeya  falal-dambiyeedka si ay u sahlanaato in la soo qabto-qabto dadka ka dambeeya dambiyada ka dhacayo magaalada Ottawa.

Aqoonyahanno ka tirsan booliska magaalada Ottawa oo sharaxaad ka bixisay sababaha ka keenay falal-dambiyeedka hubeysan oo ku soo kordhaya magaalada Ottawa, waxayna sababo uga dhigeen in magaalada Ottawa ay ku taallo meel mareen ah oo u dhaxeysa labada magaalo ee Kanada ugu waaweyn - Toronto iyo Montreal. Isla markaana ay magaalada Ottawa noqotay halka ay ku kulmaan dambiilayaasha ka ganacsada mukhadaraadka. Xaafadda Gloucester-Southgate ee koonfurta Ottawa ayaa ku taallo bartamaha waddooyinka waaweyn ee isku xira magaaloyinka Toronto iyo Montreal.

Duqa magaalada Ottawa ayaa u sheegay dadweynihii ka soo qeybgalay kulanka in maamulkiisa uu la shaqeynayo dowladda dhexe ee Kanada iyo dowladda gobolka Ontario oo magaalada Ottawa ay ka tirsan tahay. Duqa magaalada wuxuu intaas ku daray in ay jiraan barnaamijyo loogu talagalay in lagu caawiyo dhallinyarada lagu khalday iney ka qeyb-qaataan ka beecmushtarka mukhadaraadka oo halis ku ah nabadgalyadooda iyo mustaqbalkoodaba. Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah ayuu yiri Mudane Watson, in dhallinyarada loo abuuro shaqooyin si ay uga kaaftoomaan ka ganacsiga mukhadaraadka. 

Seddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Ottawa lagu dilay laba dhallinyaro ah oo ka soo jeeda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa.