4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil shalay lagu dilay Qarax Miino

Jimco,  December, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dubbad (Cumar Dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Sidoo kale Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay iyo ra’iisul wasaaraha dalka, saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay Al-shabaab baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Wuxuu Taliyuhu hoosta ka xarriiqay inaysan dowladdu illaawi doonin Xaasaskii iyo carruurtii ay ka geeriyoodeen, isagoo sheegay in marxuumiintan shahiidday aysan dhiman balse ay dhuunteen.

“Waxaan u sheegeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dhaqan buu lahaa ciidanka xoogga Dalka, ka tegi meyno waa ilaalineynaa, Aabbaha markuu dagaal ku dhinto, carruurtiisa iyo xaasaskiisa waxaa ballan qaadaya xoogga dalka Soomaaliyeed,’ayuu yiri taliyuhu.

Taliya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay inay ka qoomamayn doonaan ficillada fulaynimada ah ee ay argagixisadu ku dhaqaaqeen dadka Bulshada waxtarka u leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]