3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
MSF oo soo afjartay qorshihii ay Muhaajiriinta badda uga badbaadin jirtay

 

Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Hay'adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayaa lagu qasbay in ay soo afjarto qorshihii ay ku badbaadin jirtay dadka ku tahriibada badda Mediterranean-ka.

Hay'adda ayaa dadka badda ku le'anaya ku badbaadin jirtay markabkeeda Aquarius.

Hay'addan ayaa go'aankeedan ku sababaysay "weerarro uga yimid dalal reeb Yurub oo ku haysta dadka ay badbaadiso"

Markabka hay'addan oo la dhoho Aquarius ayaa ku xayiran magaalada Marseille ee dalka Faransiiska tan iyo markii lagala laabtay diiwaan galintii.

Markabkan ayaa gacan ka gaystan jiray badbaadinta dadka ku tahriiba badda halista ah iyaga oo Liibiya ka baxaya oo ku sii jeeda qaaradda Yurub, gaar ahaanna dalka Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa hay'addaha maraakiibta ku badbaadiya tahriibeyaasha ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin dadka wax tahriibiya. Ayna noqdeen sidii Tax dadka ka soo kaxeeya Liibiya oo keena Talyaaniga".

Aquarius ayaa ahaa markabkii u dambeeyay ee ku hawlanaa baadi goobka dadka ku go'dooma badaha iyo badbaadinta tahriibeyaasha.

MSF oo ku dhawaaqaysa soo afjaridda hawlihii samato bixinta badda ayaa dalalka Yurub oo Talyaanigu u horreeyo ku eedeeyay in ay ku guul daraysteen samaynta qorshe ay iyagu leeyihiin oo dadka lagu badbaadiyo, haddana ay billaabeen xagal daacinta hay'adihii kale ee isu xilqaamay in ay dadka ka badbaadiyaan badda Mediterranean, sida uu ku warramayo wariyaha BBC-da uga soo warrama Qaradda Yurub.

MSF ayaa Twitter ku soo qortay "weerarrada joogtada ah" ee dalalka Yurub "ayaa ka dhigan in dad badan ay ku dhiman doonaan badaha" dad badan oo geeridooda loo baahnaynna ay dhiman doonaan iyagoo aan laga warhayn."

Xigasho  BBC 













Click here
12/7/2018 12:14 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

12/7/2018 12:12 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad iyo midda 2-aad uga jira waddamada ay sannadka 2018-ka ka dheceen falalka ugu badan ee la xiriira argagixisanimada ee guud ahaan qaaradda Afrika.

12/7/2018 12:07 PM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Maxkamad ku taalla deegaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa ayaa maanta waxaa ka soo muuqday John Maina Wang’ombe, oo khamiistii dilay labo gabdhood oo uu isagu dhalay.

12/7/2018 11:53 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)– Musharraxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada dhaqanka ee Qardho.

12/7/2018 11:15 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL) - Kulan si ballaaran looga soo qayb-galay oo ay soo qabanqaabisay Diane Deans oo ah haweeneey laga soo doorto xaafadda Gloucester-Southgate ee koonfurta magaalada Ottawa ayaa si weyn looga hadlay ka hortagga dilalka hubeysan

12/7/2018 10:43 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL) - Munaasabad lagu furayey maqaayada Kulan Caffe laanteeda saddexaad, ayaa lagu qabtay shaley magaalada Nairobi ee dalkan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen xaflad madax iyo ganacsato fara badan.

12/7/2018 10:25 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dubbad (Cumar Dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

12/7/2018 8:22 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Magaalada Taleex oo ku dhowaan toban sano lahayd xad cagaaran oo aan laysu gudbin ayaa maanta si nuuxda loo soo afjaray, kadib wadahadal todobaadyadii la soo dhaafay oo ay madax-dhaqameed kala duwan ka qayb qaateen.

12/7/2018 6:38 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Garyaqaanka Guud ee Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka ka dhashay magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

12/7/2018 6:26 AM EST
Jimco,December,07,2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland ayaa galinkii dambe ee khamiistii ansixiyay gobolka Taleex oo xaruntiisu noqon doonto degmada Taleex.

12/7/2018 5:56 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)–Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen hub iyo walxaha Qaraxa.

12/7/2018 3:19 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen General Cumar dheere oo ahaa taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

12/7/2018 1:35 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

12/7/2018 1:02 AM EST
Jimco, December, 07, 2018 (HOL)-Madaxweynaihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa xalay fiidkii lagu aasay Gobolka Texas kadib markii toddobaad xflado duco ah loo sameeyey dalkan.