4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Madaxweynaha Eritrea oo booqasho ku tagaya dalka Jabuuti

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afeworki ayaa dhawaan booqanaya dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Labada dal ayaa muddooyinkii dambe xiriir heer sare ah sameynayay, kaddib markii Itoobiya ku talisay inay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee salka ku haya muran dhanka xaduudda.

"Ma hayo taariikhda uu Afwerki booqashada imaanayo Jabuutu.. laakin labada madaxweyne ayaa la filayaa inay is dhafsadaan booqashooyin midba midka kale dalkiisa ku tagayo". ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali.

Waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, in dalkiisa ay ka go'antahay in qaab wada-hadal ah lagu dhammeeyo colaadda kala dhaxeysa Eritrea,isagoo wareysi siiyay wakaaladda wararka Anadole ee dalka Turkiga.

"Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa billaabay dadaallo abuuraya jawi wanagsan oo dib u heshiisiin ah, waxaana uu ballaariyay baaxadda xasiloonida iyo rajada laga qabo nabadda gobolka". ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Yuusuf, ayaa gobolka geeska Afrika ku tilmaamay midka ugu xasiloonida xun Afrika,isagoo sheegay gobolka inuu dhexda uga jiro dhibaatooyin dhowr ah,kuwaasoo qaarkood ka taagan dalalka gudahooda, waxa uu tusaale u soo qaatay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

"Rajo wanagsan ayaan qabnaa, sababtoo ah waxaan aragnay ifafaallo wanagsan oo horumar ah". ayuu yiri Maxamuud oo inta ku daray in gobolka uu u baahan yahay hoggaamiye aragti fog leh oo arki kara fursadaha ka jira is-dhexgalka iyo wadajirka, kana shaqeeya danaha dadka ku nool gobolka.

Booqashada hadda la filayo inuu madaxweynaha Eritrea , ku tago dalka Jabuuti ayaa la filaya inay meesha ka saarto khilaafka labada dal ,kuwaas oo xiriirkooda uu xuma tan iyo sanadkii 1980-kii,bishii June ee sannadkii 2008-dii labada waddan waxaa dhexmaray dagaal saddex maalmood qaatey,kaddib markii ay isku dhaceen ciidamadooda xadka ku sugan,iyadoo waqtiga ay dowladda Jabuuti ku eedeysay Eritrea inay dhulkeeda ku soo xadgudubtay oo gudaha usoo gashay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]