4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) – Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku faah faahiyay duqeyn cirka ah oo ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Awdheegle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, waxaana weerarkaasi lagu dilay afar ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab

Ma uusan sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka Shacabka ah ah ee ku sugan Awdheegle, weerarkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda yar ee Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]